Adeegga Internet-ka qeybo kamid ah Soomaaliya oo dib usoo noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho iyo gobollada Koonfurta Soomaaliya waxay dib u heleen adeeggii Internet-ka ee ka maqnaa mudo afar maalmood ah, kadib markii ciladdii ku timid xarigga Fiber optic ee badda gunteeda mara la xaliyo.

Shirkadda Hormuud, oo Internet-ka bixisa ayaa qoraal ay soo saartey caawa ku shaacisay inuu soo laabtey adeegga, iyadoo dhanka kale raaligelin ka siisay dadka isticmaala ee macaamiisha ah ciladda dhacday.

Waaa markii labaad oo sanadkan ay dhacdo cilad noocan ah, iyadoo midii hore iyo tan cusuba ay kusoo aadeen xili dalka ay ka jiraan xaaladdo siyaasadeed, sida xilka qaadistii Khayre iyo magacaabista Xukuumadda Rooble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM