Adeegyada caafimaad oo aan laga hirgalin Somalia

Image

03 September, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda caafimadka Somalia Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay inaan dalka laga fulin adeegyada asaasiga ah ee dhanka caafimaadka.

Sababta ayay wasiirka oo lahadlaysay VOA ku sheegtey inay jiraan dhaqaale xumo ay u  socon la’yihiin qorshihii Wasaaradda taaso sababtay illaa hadda inaan dalka laga fulin wax adeeg ah sida ay cadeysay Xaawo.

Mar ay ka hadlaysay qorshayaasha caafimaadka Somalia ayay tilmaamtey inay ka hortagayaan ka ganacsiga dawooyinka dhacay.

“Dalka haatan lagama hirgalin adeegyada asasiga ah ee loo baahnaa, waxaana loo fulin wayay dhaqaale la’aan, beesha caalamka ayaa arinta dhaqalaha gacanta ku haysa hadii aan heli lahayn waxbaa isbadali lahaa”ayay tiri wasiirka caafimadka Somalia.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli qeybo ka mid ah dalka Somalia laga soo sheegaya xaalado caafimaad darro iyo baahintaan macaluusha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM