Afhayeenka Musharaxiinta oo u jawaabay Qoorqoor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] wuxuu ka been sheegay waan-waantii socotay ee arrimaha doorashooyinka, sidda uu sheegay afhayeenka Musharaxiinta.

Ridwaan Xirsi, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee 2020-21, ayaa xusay in Qoor-qoor uu kasoo dhalaali waayey balantii uu u qabsaday xalinta khilaafka oo ahayd saddex casho.

Mr Xirsi oo u waramay warbaahinta ayaa "nasiib-daro weyn" ku tilmaamay in dowladda federaalka ay "go’aan hal dhinac ah" ka qaadato is-mari-waagga ka taagan coddeynta heerka Qaran.

"Madaxweyne Qoor-qoor waxay ahayd in uu saddex maalmood gudahooda uu talo kusoo celiyo. Wax jawaab ahna kama hayno. Waxaan la yaabay in uu yiraahdo jawaab waan waayey mana jirto wax jawaab ah oo Qoorqoor nooga timid," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in aan wali is-faham laga gaarin is-qabqabsiga guddiyada doorashooyinka ee saraakiisha amniga, shaqaalaha rayidka iyo taageereyaasha madaxweynaha lagu daray; si lamid ah qadiyadaha gobolka Gedo iyo xulista wakiilada Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in ay fashilmeen dedaaladii xalka loogu goobayey khilaafka doorashadda ayna guda-gelayaan hirgelinta doorashooyinka ayadda oo is-mari-waaga uu ka taagan yahay.

Isaga oo sii hadlaya Ridwaan ayaa qashinka ku daray sheegashada Qoorqoor ee ah in uu jawaab siiyey hogaanka Puntland iyo Jubaland isla markaana madaxda qaranka ay tanaasul badan muujiyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu "doonayo doorasho boob ah" wuxuuna ku sifeeyay go'aanka xukuumadda ku hirgelineyso doorasho hal dhinac ah mid wada saameynaya guud ahaan waddanka.

Dhanka kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu waramayaa in ay shir deg-deg ah u balansan yihiin caawa isla markaana ay ka arrin-sanayaan talaabooyinka ay qaadayaan kadib go’aanka dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM