Afhayeenka xukumada oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka xukumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax Axada maanta ah ka dhacay Muqdisho gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Mucalimuu ayaa la beegsaday xilli uu ka soo baxay gurigiis oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac halis ah uu soo gaaray afhayeenka xukuumadda, isla-markaana loola cararay isbitaalka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sababta “Saaxiibada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muuqato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelinayo”.

“Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrahim Moalimuu Afhayeenka XFS” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaanka.

Weerarka Maanta waxaa sheegatay Kooxda Al-Shabaab. Mucalimuu ayaa horay uga badbaaday qaraxyo ka dhacay Hotel Jaseera, Maka Almukarama, Hotel Elite oo inta badan ay ka soo gaareen dhaawacyo.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay qaraxa lala eegtay Afhayeenkiisa, isagoo u rajeeyay Caafimaad degdeg ah. Wuxuu sheegay Xafiiska Rooble in dhaawaca Macalimuu inuu yahay mid fudud, islamarkaana xaaladiisu hadda degan tahay.

Horay waxaa sidaan oo kale qarax loogu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika waxa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay Agaasimihii SNTV Sharmaake.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM