Afhayeenka Rooble Macalimuu oo loo qaadey dibadda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Galabta dalka Turkiga loo qaadey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu kadib dhaawac culus oo shalay kasoo gaarey qaraxa lagu eegtay Muqdisho xili uu shaqada kusii jeeday.

Waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed, oo saaxiibo la ah wariye hore Macalimuu.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii hallige ah la beegsaday Qarax, sida uu sheegay agaasimaha Warfaafinta Xafiiskiisa Liibaan Cabdi Cali.

Dhaawaca Afhayeenka ayaa la sheegay in loogu qaadayo dalka Turkiga daaweyn dheeraad ah kadib markii dhaqaatiirta Isbitaalka Erdogan ay wax ka qaban waayeen tan iyo shalay. Waa markii 5aad ama 4aad oo Macalimuu ku dhaawacmo qarax.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxii shalay ee lala eegtay Afhayeenka Xukuumadda, kaasoo uu fuliyay nin isku soo xiray walxo qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM