AFRICOM oo ka warbixisay duqeyn ay ka fulisay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka oo ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ay ku beegsadeen hogaamiye sare oo Al-Shabaab ahaa.

Inkasta oo war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM lagu xusay in howlgalkaas lagu dilay hal dagaalame oo argagixisada ka tirsan, si dhab ah looguma caddeynin shaqsigaas uu yahay hogaamiyahaas ay bartilmaameedsadeen.

Bayaankan meesha ka saarey in weerarka dhanka cirka ay waxyeelo kasoo gaareen dad shacab ah ayaanan lagu soo bandhigin magaca iyo xilka uu horjoogahaas u hayey xoogaga cilaaqaadka la leh Al-Qaacida.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay oo maanta ah waxay warisay in howlgal laga sameeyay isla aagaan lagu dilay Cabdiqaadir Kumaandoos. War-saxaafadeed ayay ku fahfaahisay in uu soo qabtay xilal badan.

Xilli ay tibaaxdey in uu horey uga mid ahaa Xisbul Islaam, taliyeyaasha maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayay tabisay in uu kamid ahaa. Sidoo kale, waxay daboolka ka qaadey in uu ahaa madaxa guutadda Jabadaha.

Marka laga soo tago sheegashada dhinacyadda, ma jiro qoraal ay dhacdadaan uga jawaabeyso oo illaa haatan kasoo baxay dhanka kooxda hubeysan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata mid wajaheysa culeys milatari iyo khilaaf dhexdooda ah, kaasoo sababay in ay laba dhinac u kala jabeen. Garab uu horkacayo Axmed Diiriye, iyo dhinac kale oo uu hormuud u yahay Mahad Karate.

Is-qabqabsigan keenay in xabsi lagu dhex-dilo saraakiil badan, qaar kalana jeel loo dhigay ayaa salka ku haya awood qeybsiga iyo maareynta dhaqaalaha laga soo uruuriyo dadka shacabka, sidda uu shaaciyey sirdoonka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM