AFRICOM oo war kasoo saartey masiirka ciidanka Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ciidankiisa kala baxo dalka, Mareykanka ayaan si fudud kusoo afjari doonin xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya kumaandooska Soomaaliya ee Danab, sidda uu shaaciyey taliska AFRICOM.

Christina Gibson, afhayeenka howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika, ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe ay ku gaarayaan ciidankan sidda gaarka ah u tababaran wallow uusan soo bandhigin tafaasiil ku saabsan qorshahaas.

"Milatariga Mareykanka marnaba masoo gabagabeynayo xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya [Danab] balse waxaa jira qorsheyaal tababar oo la diyaariyey kuwaasoo wax ka bedel lagu sameeyay," ayuu u sheegay Washington Post.

Tan iyo markii ay soo baxdey in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, waxaa soo baxay walaac ku aadan in askarta Dana boo Washington tababartay ay dayacaad wajihi karaan loona adeegsan karo dano siyaasadeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Difaaca, Xasan Xuseen Xaaji, ayaan ka jawaabin codsiyo arrimahaan wax looga waydiin lahaa.

Sidda ku xusan warbixinadda, ciidamada Mareykanka ee hayaamaya Soomaaliya ayaa loo wareejinayaa xabsiyo ku aadan wadamada Jabuuti iyo Kenya.

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa kala caddeyn hadii ay dib ugu celin doonan Soomaaliya ciidamadda loo wareejiyay Jabuuti iyo Kenya wallow intii uu ololaha doorashada socday xusay in uu soo afjarayo "dagaalka aan dhamaadka lahayn".

Askarta Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 700 kuwaasoo tababara ciidamadda Soomaaliya si gaar ah Danab. Sidoo kale, waxay fuliyaan howlgaladda dhanka cirka ee ka dhanka ah maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM