AFRICOM oo war kasoo saartey masiirka ciidanka Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ciidankiisa kala baxo dalka, Mareykanka ayaan si fudud kusoo afjari doonin xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya kumaandooska Soomaaliya ee Danab, sidda uu shaaciyey taliska AFRICOM.

Christina Gibson, afhayeenka howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika, ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe ay ku gaarayaan ciidankan sidda gaarka ah u tababaran wallow uusan soo bandhigin tafaasiil ku saabsan qorshahaas.

"Milatariga Mareykanka marnaba masoo gabagabeynayo xiriirka muhiimka ah ee kala dhaxeeya [Danab] balse waxaa jira qorsheyaal tababar oo la diyaariyey kuwaasoo wax ka bedel lagu sameeyay," ayuu u sheegay Washington Post.

Tan iyo markii ay soo baxdey in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, waxaa soo baxay walaac ku aadan in askarta Dana boo Washington tababartay ay dayacaad wajihi karaan loona adeegsan karo dano siyaasadeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Difaaca, Xasan Xuseen Xaaji, ayaan ka jawaabin codsiyo arrimahaan wax looga waydiin lahaa.

Sidda ku xusan warbixinadda, ciidamada Mareykanka ee hayaamaya Soomaaliya ayaa loo wareejinayaa xabsiyo ku aadan wadamada Jabuuti iyo Kenya.

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa kala caddeyn hadii ay dib ugu celin doonan Soomaaliya ciidamadda loo wareejiyay Jabuuti iyo Kenya wallow intii uu ololaha doorashada socday xusay in uu soo afjarayo "dagaalka aan dhamaadka lahayn".

Askarta Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 700 kuwaasoo tababara ciidamadda Soomaaliya si gaar ah Danab. Sidoo kale, waxay fuliyaan howlgaladda dhanka cirka ee ka dhanka ah maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM