AFRICOM oo warbixin kasoo saartey khasaaraha rayidka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ayaa mar kale qirtay khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeymaha gudaha Soomaaliya, wadan burbursanaa mudo tobanaan sano ah, islamarkaana aan ka jirin dowladda awood leh.

Tani waa warbixintii 3aad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] uu bilaabay baaritaanka eedeyamaha ku saabsan khasaaraha rayid April 2020. 

Lix dhacdo ayaa wali furan oo dib la baarayo, oo ay kujiraan labo ka mid ah warbixintii hore. Kadib qiimeyn dhab ah oo ku saabsan xaqiiqooyinka iyo duruufaha jira, AFRICOM waxay cadeysay mid kamid ah dhacdooyinkan inay keeneen labo dhaawac oo rayid ah oo la xiriira duqeyn diyaaradeed Febuary 17, 2020.

Dhacdadii 17-kii Febuary, 2020, ee dhaawaca labo rayid ah waxaa loo gudbiyay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Koongaraska Mareykanka, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay'adaha u dooda arrimaha xuquuqda aadanaha oo Amnesty ay kamid tahay ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay dembiyo dagaal ka geysanayaan Soomaaliya, islamarkaana ay duqyemaha ku dilayaan dad shacabka.

Ku dhawaad 1,000 askari ayaa Mareykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo fuliya howlgallada la dagaalanka argagaxisadda, waxayna tababareen Ciidamo gaar ah oo DANAB lagu magacaabo, kuwaasoo ay u yihiin hor-galiyaal marka ay weerarada fulinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM