Agaasimaha Nabad Sugida dowlada Federaalka oo la eryey

Image

Axad, sept 07,2014 [GO]- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay agaasimihii guud ee hay’ada Nabad Sugida dowlada Federaalka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kaasi oo dhowaan la magacaabay.

Mid ka mid ah howlwadeenada xafiiska Ra’iisul  wasaaraha ayaa Garowe Online u sheegay in qaab gacan taag ah golaha Wasiirada xilka kaga qaadeen mas'uulkaan ugu sareeyay hay’ada sirdoonka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xilkaaqdistaan ka dambeysay kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Hawiye ka dacwoodeen mas'uulkaan.

Dhoowaan ayey aheyd markii ciidamada Nabad Sugida hubka ka urruriyeen qaar ka tirsan dagaal ogoyaashii Muqdishu taasoo muran xoogan ka dhalisay beelaha Hawiye dhexdooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii July u magacaabay Sanbaloolshe Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka kadib markii xilkaas laga qaaday Agaasimihii hore Bashiir Goobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM