Ahlu Sunah oo ka digey colaad ka dhacda gobolada dhexe [Dhageyso]

Image

Madaxweyne ku xigeenno ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee gobollada Dhexe oo warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ka digay in colaad laga dhex huriyo shacabka dega gobollada Dhexe.
 
Xasab Gaboobe iyo Daacad oo ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulkaas ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ciidamo iyo hub ay ku daad gureyneyso Cadaado taas oo uu ku sheegeen mid lagu khal-khal gelinayo ammaanka gobolka Galgaduud sida ay hadalada u dhigeen.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa shir ay marti gelisay lagu soo dhisay maamul dowladda iyo Beesha Caalamku aqoonsan yihiin ee Galmudug xilli Ahlusunna Waljamaacana ka bar bar dhiseen maamul kale oo loogu magac darey dowlad goboleedka gobollada Dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM