Ahlu Sunna oo ka baxay shirka Cadaado ka socda

Image

May 20, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa isaga baxay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee degmada Cadaado ka socda, maalmo kadib markii ay shirka sidan oo kale beelo dhowr ahi u qaadaceen.

Qoraal kasoo baxay hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in sababta ay shirkaas u  qaadaceen tahay kadib markii Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu tixgelin siin weydey Ahlu Sunna, waa sida qoraalka lagu xusaye.

Qoraalka waxaa sidoo kale baaq loogu direy dadka ku nool deegaannada Ahlu Sunna ka arrimiso, kuwaasoo lagu wargeliyey inay ogaadaan in shirka laga waaciyey waddadii saxda ahayd.

Ka bixitaanka Ahlu Sunna ee shirka Cadaado ayaa cirka kusii shareeraya xiisaddii horay u taagneyd islamarkaana xoojinaya khilaafaadka caqabadda ku noqdey habsami u socodka shirka.

Ahlu Sunna oo ka arrimisa qaybo kamid ah gobollada dhexe gaar ahaan gobolka Galguduud, waxay kamid ahayd dhinacyadii saxiixey heshiiskii maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM