Ahlu Sunna oo ka hadlay sababta loo xirey Radio Galguduud

Image

May 19, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xarigga Idaacadda Galguduud oo shalay albaabada laysugu dhuftey islamarkaana xabsiga la dhigey qaar kamid ah hawl-wadeenadeeda.

Taliyaha booliska Guriceel Gallad Maxamuud ayaa sheegay in sababta idaacaddaas loo xirey tahay kadib markii ay buunbuunisey shirka Cadaado islamarkaana ka dhega adeygtey inay baahiso wararka ku saabsan Ahlu Sunna.

Maamulka Radio Galguduud ayaa dhega adeygey amarro dhowr ah oo uga yimid dhanka maamulka Ahlu Sunna, waxaana kamid ahaa:

In aan la baahin karin wararka ku saabsan shirka Cadaado ka socda.
Inaan la baahin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka.
Iyo in aan la baahin karin idaacadaha ka dhex hadla FM-yada Somalia, sida BBC iyo VOA.

Ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamey mid xadgudub ku ah madax bannaanida saxaafadda.

NUSOJ ayaa sidoo kale ugu baaqey maamulka Ahlu Sunna in dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo wariye Cabdiqaadir Guure.

Ahlu Sunna oo qayb ka ah saxiixeyaasha shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa kamid ah dhinacyada saluugsan qaabka shirka Cadaado u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM