Ahlu Sunnah iyo Galmudug oo kulan loogu qabanayo Jabuuti

Image

JABUUTI- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in dabayaaqada bisha Nov,2017 magaalada Jabuuti ee dalka DJabuuti urur goboleedka IGAD kulan ugu qaban doono ururka Ahlu Sunah Waljamaca iyo maamulka Galmudug kasoo daba-socda kulamo labadaan dhinac asbuucii lasoo yeesheen dhaafey ku yeesheen magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan lagu qabanayo dalka Djabuuuti oo ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan gobolada dhexe ee Soomaaliya qayb ka yahay dadaal urur goboleedka IGAD damacsan yahay inuu ku dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Galmudug iyo ururkaan saldhigiisu yahay magaalada Dhuuso-mareeb.

Dhuuso-mareeb oo dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh ku magacowdey xiligii la dhisayey Galmudug magaalo madaxda maamulkaas ayaa urur dimeedka gacanta ku haya waxaa uu diidey inuu qayb ka noqdo awood qaybsiga siyaasadeed ee shirweynihii lagu qabtey xarunta KMG ah ee Cadaado.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo horaantii sanadkaan ku guuleysan waydey in heshiis dhex dhigto labadaan dhinac kadib markii kulan loogu qabtey magaalasa Muqdisho ka-hor inta aan xilka loo dooran Madaxweynaha mamaulkaan Axmad Ducaale Geele "Xaaf" ayaa ururka Ahlu Sunah Wal-jamaca waxaa uu diidey inuu ka qayb galo doorashooyinkii ka dhacey magaalada Cadaado.

Hogaamiyaha ururkaan Shiikh Axmad Shaakir ayaa kulankii Muqdisho lagu qabtey April, 2017 ku dalbadey in ururkiisa magdhow laga siiyo dagaaladii uu la galey kooxda xag jirka ah ee AL- Shabab dalabkaas oo noqdey mid dowlada Federaalka ah fulin waydey.

Lama oga qodobada urur goboleedka IGAD ku heshiisanayo labadaan dhinac kuwasoo mid-walba sheegto in uu madax ka yahay maamul goboleed dadka Soomaalida ah ee daga gobolada dhexe ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM