Ahlusunna oo qoraal ka soo saartay shirka Muqdishu

Image

21 Septembar, 2015(GO)-Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka soo horjeestay shirka ka furmay magalada Muqdishu ee xarunta Somalia.

Warqoraal ah oo ay soo saareen maamulkaasi ayaa ka koobnaa lix qodob, waxaana lagu caddeeyay in maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe uusan aqbali doonin wixii ka soo baxay.

Lixda qodobo ee Ahlu Suna ka soo saartay shirka Muqdisho 

1: Shirka Wadatashiga la sheegay in Somalia loo qabanayo uu ka mid noqdo dowlad goboleedka gobolada dhexe, haddii aan laga qaybgelina in aanu aqbali doonin natiijo waliba oo ka soo baxda. 

2: Dowlad goboleedka gobolada dhexe inaysan aqbali dooni xil kororsi loo sameynayo ama ay sameynsanayso Xukuumadda Federalka Somaliya ee hadda jirta. 

3: Waxaan aaminsanahay soona jeedinaynaa in dalka intiisa badan ay ka dhici karto doorasho qof iyo codkii ah, lana dhameystiri karo mudada ka harsan waqtiga. 

4: Waxaan Beesha Caalamka u cadeynaynaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia uu qayb ka noqday dhibaatada Somaliya uusana dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somaliya. 

5: Waxaan umadda Somali-yed iyo beesha caalamka u sheegaynaa in madaxweynaha Somalia uu jabiyay dastuurkii dalka Somaliya ee ahaa in maamul Goboleed kasta uu dhisan karo labo gobol iyo wixii ka badan  iyo in dadka Goboladaasi ay iyaga xaq u leeyihiin dhismaha Maamulkooda Dowladana ay dusha ka eegto, taas oo Madaxweynaha ku bedelay shaqsiyaad uu si gaar ah u wato uu doonaayo Maamul kasta madax uga dhigo si uu 2016-ka ugu soo baxo mar kale doorashada dalka. 

6: Waxaan mar kale Beesha Caalamka iyo Somali-da u sheegeynaa in Madaxweynaha Somalia uu Gobolo nabad ah iskana xureeyay Shabaab uu ku haayo duulaan iyo guluf colaadeed, kuwii Amisom Shabaab  ka xureysay laga soo saarayo ciidamadii Dowladda Somalia si ay Shabaab mar kale u qabsadaan, looguna muujiyo Beesha caalamka dalka inaysan nabad ka jirin oo Doorasho aysan ka dhici karin.

Maamulka Ahlusunna ayaa horray uga talin jiray gobollada dhexe, balse dhawaan ayaa waxaa la dhisay maamulka Galmudug, waxaana ka dhashay khilaaf u dhaxeeya labada dhinac oo salka ku haya maamulidda gobolada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM