Ahlu-Sunna:"qorshaha nooguma jirto inaan ka baxno Dhuusomareeb"
June 9, 2015 (GO)- Afhayeenka Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dawlada Faderaalka Soomaaliya.
Cabdinuur Maxamed Xuseen oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in maamulkooda uu ka shaqeynayo nabada gobolada dhexe, qorshahooduna uu yahay inay ka xoreeyaan Alshabaab.
Baaqa ka soo baxay Nicholas Kay ee ahaa inay deg deg uga baxaan Dhuuso Mareeb ayuu xusay inuusan soo gaarin, isagoo intaas raaciyay inaysan cidna ka yeelayn inay ka baxaan Magaalada Dhuusomareeb.
Cabdinuur ayaa si cad u sheegay inuu burburay heshiiskii lagu gaaray degmada Guriceel 5 Maarso 2015,kaas oo ahaa In la joojiyo dagaalada soo noqnoqday.
Dhinaca kale Dawlada Soomaaliya ayuu ku eedeyay inay jabisay qodobada ku xusnaa Heshiiskaas, isagoo carabka ku adkeeyay inaysan dagaal diyaar u ahayn balse lagu khasbay.
June 7, 2015 ayey ahayd markii mileeshiyaad ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.
GAROWE ONLINE