Ahmiyada heshiiska siyaasadeed u leeyahay tayeynta ciidanka

Image
Ciidaanka dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 –kii waxaa tiradooda lagu qiyaasay 16 kun oo askari.

MUQDISHO, Soomaaliya – Samiira Gaid oo ka hadashay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegtay in "heshiis siyaasadeed oo loo dhan-yahay uu aas-aas u noqon karo tayeynta iyo horumarinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed".

Samiira oo xilligii Ra’iisul wasaare Khayre ka soo shaqaysay Xafiiska Dib-u-habeynta Ciidamada (Somali Security sector Reform), ayaa sheegtay in ay muhiim tahay “in la tixgaliyo heshiis siyaasadeed oo gaaraan dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Faderaalka si loo xoojiyo dhismaha ciidanka qaranka.

Gaid ayaa sheegtay in dhismaha ciidan qaran uu ku xiranyahay wadashaqaynta dowladda Faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah faderaalka horay ay u fashilmeen heshiis ay arintaasi ka gaareen madaxda FGS iyo FMS.

Samiira ayaa sheegtay in golaha fulinta looga baahanyahay tayaynta, qalabaynta, xuquuq siinta ciidanka balse ay meesha ka maqantahay wada shaqayn dhex marta lataliyaha amniga qaranka iyo xafiisyada dowlad-goboleedyada dalka u qaabilsan dhismaha ciidanka.

Mar ay ka hadlay caqabadaha ka haystay dib u habaynta ciidanka xilligii ay xafiiska joogtay Samiira ayaa hoosta ka xariiqday in ay jireen heshiisyo la saxiixay balse ay fulintoodii adkaatay sababo xiriira isbadalka ku yimid hoggaanka maamul goboleedyada dalka iyo khilaafka madaxda ka dhexjiray.

“Waxaan ku qasbanaanay in aan ka shaqayso howlaha farsamo sida diiwaangalinta, xuquuq siinta iyo tiro koobka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed” ayay ku dooday Samiira.

Ciidamada milateriga ee Soomaaliya oo dadka ka faallooda arrimaha milateriga ay sheegeen in midowgii Soviet-ka uu dhisay ayaa aad u kala daatay kadib dagaalkii 1977-kii ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya, waxaase jirtay in dowladihii dambe ay isku dayayeen in la dhiso ciidan qaran oo Soomaaliyeed.

Ciidaanka dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 –kii tiradooda lagu qiyaasay 16 kun oo askari, kuwas oo dowladdu ay sheegtay in markii hore musharkoodu ay bixin jireen dalalka Mareykanka, Imaraadka iyo Turkiga, balse ay la wareegtay wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Tirakoobka saxda ee ciidaanka dowladda oo aan la ogeyn iyo tallaabooyinka ciidamada qaar ay uga soo baxayaan goobaha dagaalka mushaar la'aan awgeed ayaa walaac horleh ku keeni karta qorshaha dowladda ee ah inay amniga kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, oo qorshuhu yahay in ay Soomaaliya ka baxaan sanadaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM