Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?
Muqdisho – Talaadadii shalay, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli u baahan tahay $40 milyan oo dheeraad ah si ay u dhammaystirto mashruuca daabacaadda lacagaha cusub ee shilin Soomaali, kaasoo mas’uuliyiintu sheegeen inuu muhiim u yahay xasilinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka lacagaha been-abuurka ah ee si weyn ugu faafay dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan. Ilaa hadda, dowladda ayaa heshay $30 milyan oo gargaar ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin cidda bixisay.
“Daabacaadda lacagaha cusub waxay u baahan tahay $70 milyan. Waxaan helnay $30 milyan oo gargaar ah, balse wali waxaan ka dhimmanahay $40 milyan. Waxaan dooneynaa in aan lacagtaas helno anaga oo aan amaah qaadan. Wadahadallo wanaagsan ayaan la wadnaa dowladda Kuwait, waxaana rajeyneynaa in ay naga taageeri doonaan,” ayuu yiri Xamsa.
Mashaariicdan lacagta la xiriirta ayaa dib u dhacay sababo la xiriira baahida maalgelinta, iyadoo dowladda ay sheegtay in horumarinta nidaamka lacagta ay tahay mid mudnaan qaran ah si dib loogu helo kalsoonida lagu qabo shilinka Soomaaliga, isla markaana loo yareeyo ku-tiirsanaanta doolarka Mareykanka iyo adeegyada lacagaha mobillada.
Qorshahan ma aha mid cusub. Sannadkii 2018, Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa dejiyay barnaamij isbeddel lacageed oo laba weji leh. Wejiga koowaad ayaa diiradda saarayay in la beddelo lacagihii duugga ahaa ee been-abuurka ahaa, lana keeno lacagaha cusub ee 1,000, 2,000, 5,000 iyo 10,000 shilin ah, halka lacagaha waaweyn dib loo dhigay illaa la xoojiyo hay’adaha maaliyadeed.
IMF ayaa dhowr jeer ku tilmaantay beddelka lacagaha “mudnaan qaran,” iyadoo sheegtay inuu muhiim u yahay in la soo celiyo madaxbannaanida lacageed ee dalka iyo in dadweynuhu laga ilaaliyo khiyaamooyinka lacageed.
Mashruucan waxaa mas’uul ka ah Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), oo si sharci ah u leh xilka daabacaadda iyo baahinta lacagaha. Si loo fududeeyo isbeddelka, xildhibaannada ayaa ka doodayo Hindise Sharciyeedka Lacag-Bixinta Qaranka, halka Bangiga Dhexe uu horey u bilaabay nidaamka lacag-bixinta degdega ah ee “Somalia Instant Payment System (SIPS)” iyo astaan-qaran oo QR ah oo loo yaqaan “SOMQR.”
Nidaamyadan dijitaalka ah ayaa la filayaa inay si weyn u taageeraan wareegga lacagaha cusub, ayna hoos u dhigaan isticmaalka lacagaha been-abuurka ah ee suuqa ku jira.
GAROWE ONLINE