Ajnabigii baahiyey muuqaalkii ugu horeeyay ee Al-Shabaab faafisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mid kamid ah ajaaniibtii ugu horeysay ee Al-Shabaab ku biirtay, Maxamed Fadiga, ayaa wuxuu kasoo muuqdey barnaamij ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Barnaamijka uu kasoo dhex-muuqdey waxaa looga hadlayey qaabka ay u shaqeeyaan Xabsiyada Qarsoon ee Al-Shabaab iyo dadka lagu xiro.

Aafori-kostiyaankan [Ivory Coast] ayaa kamid ahaa afar ruux oo barnaamijka lagu soo qaatay kuwaasoo soo bandhigay macluumaadyo kala duwan.

Dhamaantooda waxay isku raaceen in jeelasha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay yihiin kuwa lagu ciqaabo dadka ay soo qabtaan si ay u qirtaan dambi aysan gelin iyo in dhexdooda ay is-basaasaan "si u soo saaran halista".

Maxamed Fatiika oo loo garan og-yahay Zubeyr Al Muhaajir ayaa la rumeysan yahay in uu Soomaaliya soo galay waqtigii Maxkamadaha, waxaana lasoo tabiyey in uu xabsi ugu jiray maleeyshiyaadka intii u dhaxeysay 2013 illaa 2016.

Xarigiisa oo ahaa xukun ayaa ka dambeeyay markii uu fashilmay dedaalo xal-raadin ah oo uu bilaabay guddi loo xil-saarey xalinta khilaafkii hogaamiyihii la khaarijiyey ee Axmed Godane iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Sidda laga soo xigtay warbixixinta sirdoonka Soomaaliya, Al Muhaajir wuxuu guddigaas aan talooyinkiisa la qaadan uu ka ahaa madaxa ugu sareeya.

Galab gudaha Baraawe lagu dilay Ibraahim Afqaan iyo Macalin Burhaan ayaa lagu waramay in la xiray Al Muhaajir, isagoo loo sheegay "in uu yahay xukamane".

Al Muhaajir oo taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya isku soo dhiibay dabayaaqadda sanadkii 2019-kii ayaa diiwaanka waxaa ugu jirta laba iskoor taasoo aysan la wadaagin ajaaniibta kale ee ay kooxda duuf-satay.

Lama-dhaafaanadaas waa in uu ahaa farsamayaqaankii ugu horeeyay ee baahiyey muuqaalkii koowaad ee Al-Shabaab ku faafisay baraha internet-ka iyaddoo adeegsaneysa magaca shabakada dhankooda u jaranjeerta ee Al-Kaatib.

Si lamid ah wuxuu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Twitter-ka ku faafiyey khilaafka A-Shabaab gaar ahaan fariintii uu Afqaan u diray hogaanka sare ee Al-Qaacida.

Sikastaba ha ahaatee, dowlada Soomaaliya oon wali shaacin talaabada ay ka qaadeyso Maxamed Fatiika ayaa ku haysa gudaha caasimada Muqdisho xilli ay isa soo tarayaan walaaca laga muujinayo xaqiiqo sheegida isu soo dhiibeyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM