Akhriso liiska shirkadaha iyo shaqsiyaadka la xanibey akoonadooda

Image

April 8, 2015 (GO)- Warbaahinta ayaa heshay nuqul kamid ah liiska shirkadaha iyo shaqsiyaadka ay dowladda Kenya akoonadooda xanibtey kadib markii lagu soo eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Akoonnadan oo tiradoodu dhan tahay 86, waxaa 13 kamid ah iska leh qaar kamid ah shirkadaha Soomaalida ee ka shaqeeya xawilaadda lacagaha.

Waa markii ugu horreysey ee Kenya xirto akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab, waxayna arrintani kusoo aadeysaa dhowr maalmood kaddib markii Al-shabaab weerar khasaare badan geystey ka fulisey magaalada Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM