Akhriso Tirada Xujeyda Soomaalida ee ku dhimatay Xajka 2018

Image

MINA, Saudi Arabia - Labo xujey Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Xaaji Axmed Maxamed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale ayaa qayb ka ah dad ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Mina ee dalka Sacuudiga, iyagoo ku guda jira gudashada Acmaasha Xajka.

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday in Saalax uu ku dhintay Buurta Carafaad, halka Jimcaale uu ku geeryooday Magaalada Mina, waxayna intaas ay ku dareen inay Qaboojiye kusii jiri doonan inta Xajka kasoo idlaanayo.

Fahad Abuu Daalib oo ah Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa tilmaamay in Soomaalida iyo xujeyda kale ee ku dhimatay la aasi doono kadib marka uu lasoo gabagabeeyay Xajka oo haatan meelihii ugu dambeeyay maraya.

Ma uusan kala caddeyn hadii xubnaha ku geeryooday Xajka ee Soomaalida iyo dalalka kale ee caalamka kasoo jeeda lagu aasi doono gudaha dalka Sacuudiga ama loosoo qaadi doono dalkooda Hooyo si ay u arkaan qoyskooda kadibna loo aaso.

In ka badan 2 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan gudanaya mid kamid ah rukniyadda ugu waa wayn tiirarka Islaam-ka, iyaga oo waqti xaadirkaan ku guda jira ku guda jira Jamraadka, xili maalmo uu uga harsan yahay dhameystirka Acmaasha Xajka.

Soomaalida sanadkaan ka qayb-galaysa Xajka oo ay dowladda Soomaaliyeed tiradooda ku sheegtay 22-kun oo Xujey ah ayaa waxaa lasoo dareystay xaalad dhanka adeeg-xumo ah, taasoo sababtay inay qaarkood dibada jiiftaan habeenkii. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM