Qaar Ka Tirsan Xujeyda Soomaalida oo Jidadka Seexdey Adeeg La'aan Darteed [DAAWO]

Image

MECCA- Kumanaan Soomaali ah oo sanad walba ka qayb qaata gudashada xajka ayaa waxay dhibaato kala kulmaan shirkadaha diyaardaha ee ka shaqeysta iney dadkaan u daadgureeyaan dalka Sucuudiga iyadoo dhinaca kale meesha ay ka maqan tahay mas'uuliyadii dowlada Federaalka Soomaaliya hay'adaheeda kala duwan kuwaasoo looga baahanaa iney kormeeraan baahiyaha joogtada ah ee xujeydaan, sidaas waxaa ogaadey GO kadib markii uu heley muqaalo muujiniya dhibaatada jirta.

Warsidaha Garowe Online oo ku kuurgaley xaalada dadka Soomaalida gudanyey wajibaadka Xajka sanadkaan ayaa ogaadey iney jirto dhibaato xoogan oo soo food-saartey qaybo dadkaas kamid ah kuwaas oo inta badan waayey adeegyadii shirkadaha diyaaradaha kaga iibsadeen gudashada waajibaadka Xajka sida degaameynta, raashinka, caafimaadka iyo gadiidka qaadi lahaa oo aan waqtiyadiisu aysan sugneyn.

Qof kamid ah dadka Soomaalida ee gudanyey Xajka sanadkaan oo warsidaha Garowe online la hadlay ayaa sheegey in dhibaato xoogan haysato dad badan oo Soomaali ah kuwasoo dhib soo gaarey markey imaanayeen dalka Sucuudiga halka gabi ahaanba jirin adeegyadii loo fidin lahaa markii xujeydu bilowdo gudashada Xajka.

" Aniga waxaan ka imid dalka Mareykanka waxaan sanadkaan Xajisiinayey Aabahey, markii aan la hadlay shirkad diyaarada Jubba oo aan u sheegey in odeygii Aabahey ley-soo qaado waxay i waydiiyeen ma waxaad rabtaa inuu toos lagugu keeno dalka Sucuudiga mise inuu soo maro dal-kale, waxaan qaatey sicirkii ahaa in toos leygu keeno, waxaana baxshey lacag gaareysa $3655 balse ma dhicin waxaa Taransit lagu soo mariyey dalka Jabuuti oo uu ku sugnaa muddo 12 saacadood." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey Xaaji diidey magaciisa oo la hadlay warsidahaan.

Xaajigaan la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa uu hadalkiisa isagoo sii wata waxaa uu yiri " Waxaa ugu daran dadka masaakiinta ah oo aan dad u hadla aysan jirin sida loola dhaqmayo kuwaas oo caawa markii ay u soo hoydeen Mina waayey meel ay seexdaan kuwasoo sida ka muuqata muuqaalkaan jiifa jidadka, jawiga kulal oo aad aragtaan."

Sidoo kale Xaajigaan ayaa u sheegey GO in xujeyda Soomaalida marka dhagax-tuurka laga yimaado oo dib ugu soo noqonayaan Mina ay intooda badan soo lugeeyaan kulaylka jira halka dadka u dhashey wadamada kale lagu daad gureynayo Gadiid Basas ah.

Muran dhowaan jirey ee la xiriirey sidii shirkadaha diyaaradaha loogu qaybin lahaa qaadista xujeyda Soomaalida kaasoo dowlada Federaalka soo faragalisay islamarkaana shaqada looga eryey Wasiirkii diinta iyo aw-qaafta ayaa waxaa uu meesha ka saarey rajadii dadku ka qabeen in isbadal ka imaanayo adeegyada loo fideynayo Xujeyda markey gudanayaan wajibaadkooda.

Dhinaca kale qofkaan gudanayey waajibaadka Xajka ayaa sheegey in dadka Soomaalida ay saameyn ku yeelatey siyaasada dowlada Federaalka ee ku aadan khilaafka Khaliijka iyadoo meelaha qaarkood aad ku arekyso dad Soomaali ah saraakiisha dalka Sucuudiga u sheegeyso hadii ay rabaan adeegyada qaarkood ay hoos tagaan calanka dalka Jabuuti, waxaana aan gabi ahaan aan muuqan saraakiisha Wasaradaha dowlada Soomaaliya kuwasoo shaqadooda tahay iney kormeeraan xaalada dadkaan iyo iney la xiriiraan howl-wadeenada dalkaan.

Dhibaatooyinka haysta dadkaan ayaa la filayaa iney sii socdaan gaar ahaan markii ay dib ugu noqonayaan dalka Soomaaliya kuwaasoo sidi la rabey aan u helyn gadiidka diyaaradaha ee qaadi lahaa.

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM