Akhriso: war-murtiyeed laga soo saarey shirkii Muqdisho

Image

February 6, 2015 (GO)- War-murtiyeed  12 qodob ka kooban ayaa laga soo saarey shirkii mudada labada maalmood ah magaalada Muqdisho ka socdey ee gelinkii dambe ee shalay soo gaba gaboobey.

War-murtiyeedkaas oo nuqul kamid ah Garowe Online heshay waxay qodobadiisu u qornaayeen sidan:

01. In la abuuro lana joogteeyo madasha wadatashiga madaxda sare ee dalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada xubnaha ah; iyadoo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garoowe, bisha April ee sannadkan 2015.

02. Waxaa jiri doona guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha madasha.

03. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016; wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin dowladda Somalia iyo maamullada xubnaha ka ah dowladda FS.

04. Waa in la dardargeliyo dhismaha dowlad-goboleedyada dalka ee harsan iyo guddiyada dastuuriga ah ee madaxa bannaan si loo dhameystiro hanaanka federaalka.

05. Waxaa la isla gartay in la dhiso guddi heer wasiirro ah oo ka kala socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah; kaasoo dib u eegis iyo dar-dargalin ku samayn doona qorshayaasha cahdiga cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

06. Waxaa la isla gartay in dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya xafiiska heer federaal.

07. In si wadajir ah dalka Somalia looga suuliyo kooxaha argagixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.

08. In la dedejiyo dhismaha guddiga dastuuriga ah ee amniga Qaranka.

09. Inta la gaarayo dhismaha guddiga amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso guddi ka kooban DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ka talo-bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel-mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyadoo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab-joogto Somalia, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM