Al-Shabaab hoobiye tuurayay oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen inuu katirsan yahay Kooxda Al-Shabaab, kaasoo sawiradiisa warbaahinta loo soo bandhigay.

Maxamed Xuseen Cali ayaa magaciisa lagu sheegay ninkan, oo booliska ay qabteen isagoo hoobiye ku tuurayay degmada Deyniile, oo ku taalla waqooyiga Caasimadda, taasoo kamid ah goobaha ugu amniga xun, oo Al-Shabaab ka buuxdo.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin arintan, laakiin waxaa xusid mudan in mudooyinkii dambe ay soo kordheen weerarada hoobiyeyaasha ee lagu bartilmaameedsado goobo dowladeed oo ay kamid tahay Villa Soomaaliya.

Hay'adaha amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilmay inay kahor tagaan weerarada hoobiye isla gudaha magaaladda Muqdisho laga soo tuuro, kuwaasoo lagu soo beego xiliyadda xaalad siyaasadeed dalka ka jirto.

Sidoo kale, waxaa madaafiicda lagu weeraraa Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin UN-ka, Safaaradaha reer galbeedka, hay'ado kale oo caalami ah iyo Taliska AMISOM, waana meel kamid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM