Al Shabaab laga saarey deegaano cusub

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay dhowr deegaan oo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka, kadib howlgal ay fuliyeen 48-kii saac ee lasoo dhaafay.

Taliska Ciidamada ayaa xaqiijiyay in ay ka saareen Al Shabaab Tuulooyinka Basra, Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Jabaluul oo kawada tirsan labadaasi gobol, iyadoo aan dhicin wax dagaal ah maadaama Al Shabaab isaga carareen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan sidii Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga harsan yihiin labadan gobolka, oo mudo ku sugnaayeen.

Tani ayaa imaanaysa xili dowladda Federaalka ay qorsheynayso guluf dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka raadisay dowladaha deriska ah, sida Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya oo horey ciidamo uga joogeen dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa qaadayso weerar loogu aar-gudayay qaraxii Al Shabaab 14-kii Oct ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 qof.

AMISOM ayaa isku diyaarinaysa inay ka baxdo dalka 2018-ka, iyadoo uu jiro guluf colaadeed oo ka dhan ah Al Shabaab. Halkan ka akhriso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM