Al-Shabaab oo ciidanka DF "ka furatay" hubka lagu soo rido diyaaradaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiin ayaa xaqiijiyey in 12 askari lagu dilay weerarkii maanta lagu qaadey xerada Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay baahisay wakaalada Reuters.

Wakaaladda oo aan shaacin magacyadda mas'uuliyiinta ayaa kasoo xigtay "inay hoosta ka xariiqeen in kooxdu wali awood u leedahay qaadista weeraro, inkastoo dowladu guluf waddo"

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay GO in weerarka saldhiga uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah isla markaana maleeyshiyaadka Al-Shabaab ay daqiiqado la wareegeen xeradda.

Milatariga Soomaaliya ayaa xusay inay ku guuleysteen in ay dib u qabsadaan saldhiga kadib markii uu soo gaarey gurmad ciidan.

"Waxay qabsadeen xeradda, waxay kaloo qaateen hub iyo rasaas, waxaana kamid ah qoryaha lagu soo riddo diyaaradaha oo gaadiid gaashaaman ku dhegan," ayuu yiri Nuur Axmed, sarkaal boolis.

Nuur, oo khadka telefoonka u waramay Reuters, ayaa la tilmaamay in uu ka howlgalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta dalka.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Ismaaciil Cali, oo ka tirsan milatariga, ayaa war-fidiyeenka u xaqiijiyey geerida 12-ka askari iyo dhaawac soo gaarey taliyihii saldhiga, wallow uu ka gaabsaday in uu carabaabo magaciisa.

"Waan qabsanay gaariga. Waxaan kaloo soo qaniimeysanay gaadiid gaashaaman iyo hubka lagu soo riddo diyaaradaha. Waxaana burburinay afar gaadiid," ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab.

Afhayeenka howlgaladda ee xoogaga Al-Shabaab ayaa intaas raaciyey "in ay khaarijiyeen 15 kamid ah ciidamadda milatariga Soomaaliya".

Weerarka Ceel Saliini ayaa qeyb ka ah laba kale oo isla maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose. Mid waxaa laga soo wariyey Qoryooley, halka kan kale uu ka dhacay duleedka Muqdisho.

Bishii September 29-keeda sanadkii hore 2019, weerar noocaan ah oo Al-Shabaab ay isla saldhigaan ku beegsatay waxaa ka dhashay khasaaro culus. Dowladdana ayaana u qirtay saraakiil sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM