​Al Shabaab oo darsin ruux ku dishay Mandheera

Image
Image
Image
Image
Image

MANDHEERA, Somalia- Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar khasaaro gaystay ka fulisay degmada Mandheera, ee gobolka  Waqooyiga bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa bartilmaameedsaday Bishaaro lodge oo ah dhismo wayn, oo ay deganaayeen Mas'uuliyiin Isniintii lasoo dhaafey u tagey Mandheera kormeer waxbrasho.

Weerarkaasi, waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 12 ruux oo kamid ah dadkii ku sugnaa dhismahaasi.

Ezekiel Singoe, oo ah Taliyaha Booliska Mandheera ayaa xaqiijiyay Geerida muwaadiniinta Kenya ee lagu dilay Weerarka, oo dhacay xalay 2:30am, waqtiga geeska Africa.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada Weerarka Mandheera, iyadoo intaasi ku dartay in Kooxda dagaalka soo qaatay dib ugu soo laabtaan gudaha dalka Somalia.

Weerarka ayaa ku billowday qarax, waxaana Al shabaab xoog ku galeen dhisamaha, halkaasi oo dadkii ku jiray toogasho ku dileen, sida ay sheegeen qaar katirsan dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay.

Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaldaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor.

Deegaanada iyo Degmooyinka ku yaallo gobolka Waqooyiga bari ee Kenya ayaa waxay Al shabaab ka geysanayeen weeraro tan iyo markii ciidamda Kenya soo galeen Somalia Oct, 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM