Dhakhaatiirta Cuba oo "loo afduubtay in ay daweeyaan Amiirka Al-Shabaab"

Image

HARERA, Cuba – Inkasta oo aysan jirn cid si gaar ah u xaqiijin karta sababta dhabta ah, warbaahinta Cuba ayaa warineysa in dhakhaatiirta u dhashay dalkaas ay Al-Shabaab u afduubteen in ay daaweeyaan "Amiirkooda xanuunsan".

Mareega 14ymedio oo warbixin uu qoray kusoo xigtay illo wareedyo iyo khuburo aan la magacaabin ayaa rumeysan in qafaashadda Landy Rodríguez iyo Assel Herrera Correa ay toos ah ula xiriirto dano ku saleysa mid shaqsi ah.

Boggan ayaa wuxuu su'aal geliyey in howlwadeenadan caafimaad looga kaxeystay Kenya bishii April, 2019 in ay maleyshiyadda ka hesho madax furasho.

"Waxaa jira aragtiyo soo if-baxay muddooyinkii ugu dambeeyay oo ah in dhakhaatiirta loosoo afduubtay in ay si shaqsi ah u caawiyaan horjoogaha sarre ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, kaasoo bishii lasoo dhaafay ee August loo bedelay sababo ku aadan xanuun laga soo wariyey," ayuu tibaaxay.

Qormadda ayaa la raaciyey: "Ma jirto xaqiijin rasmi ah iyo mala-awaalo lagu kalsoonan karo oo xusaya in loo haysto si loo bixiyo lacag madax furasho".

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya oo saxaafada Cuba ay warisay in ay door ku leedahay gorgortan socda ayaa 28-kii August, 2020 waxay Twitter-ka ku faafisay in isbedel uu yimid hogaanka ugu sareeya dagaalameyaasha.

"Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub," ayaa lagu soo qoray bogga hay’da NISA.

NISA waxaa haatan madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, mas'uulka ugu awooda badan dowladda haatan talineysa iyo wariyihii hore ee Tv-ga Qadar ee Al-Jazeera Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM