Al-Shabaab oo dil iyo gowrac u geysatay mas'uuliyiin dowladeed

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dagaalameyaal looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab ayaa xalay dil iyo gowrac ka geystay gobolka Gedo ee hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyey in dadka la beegsaday ay kamid ahaayeen gudoomiyeyaasha xaafadaha Baardheere.

Tiradda guud ee mas'uuliyiinta la khaarijiyey ayaa ah saddex gudoomiye laameed, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

"Laba kamid ah waxaa ka muuqatay rasaas, halka shaqsiga waa la bireeyay. Falkaan wuxuu ka dhacay xaafada Baay oo gediga shishe ee magaalada ah," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Saraakiisha amniga oo qiray dhacdadaas ayaa tilmaamay in ay baaritaano ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen.

"Runtii waa fal aad argagagax u leh. Balse waxaan ku raadjoogaa dadkii ka dambeeyay, waxaana laamaha ammaanka rajeynaynaa in ay soo qaban doonan," ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka.

Al-Shabaab, oo aan wali ka hadlin weerarkaan ay ku naf-goysay saddexdaas mas'uul ayaa inta badan falal noocaan ah iyo afduub waxay ka geystaa magaalooyinka koonfurta Soomaaliya.

Baardheere oo bartamaha uu ka maro Webiga Jubba ayaa la sheegay in ammaankeeda xiliga habeenkii aysan ku jirin gacanta ciidanka dowlada, taas ayaana loo aaneeyaa falalkaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM