Al-Shabaab oo duqeyn "looga dilay" hogaamiyeyaal

Image

WASHINGTON - Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyey in uu Khamiistii todobaadkan ka fuliyey degaanka Saaxa Weyn, gobolka Baay ee koonfur Galbeed Soomaaliya uu ku dilay "hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab".

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska had kaasoo nuqul kamid ah uh arkay Garowe Online, shan dagaalame oo horjoogeyaasha ku jiraan ayaa lagu khaarijiyey howlgalkaas dhanka cirka.

"Qiimeynta talisku sameeyay illaa haatan waxay muujineysaa in aysan jirin rayid wax ku noqdey howlgalka," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Bayaanka ayaan lagu soo bandhigin magacyadda iyo xilalka ay hayeen maleyshiyaadka. Balse, warar aan wali la xaqiijin aya xusaya in horjoogeyaasha kamid yihiin wakiiladii xoogaga ee degaankaas.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Soomaaliya ayaa warisay in howlgal ka dhacay magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay lagu dilay madaxii Al-Shabaab ee gobolkaas "oo lagu magacaabo Muqtaar Nuuroow oo magaciisa afgarashada yahay Sayid Cali".

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee milatariga Soomaaliya oo Idaacadda soo xigatay, ayaa sheegay in sideed maleeyshiyo oo horjoogaha ku jiro "la dilay markii ay isku dayeen in ag weeraraan ciidanka".

Marka laga soo tago sheegashadda labada dhinac, ma jiro war ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Degaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay sidda weyn ugu dhuumaaleystaan "Amiirada" Al-Shabaab qaarkoo kuwaas oo bilooyinkii lasoo dhaafey wajahayey culeysyo milatari oo dowladda iyo saaxiibadda caalamiga ah sidda Mareykanka kaga yimid".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM