​Al Shabaab oo gacmaha ka jartay labo Dhalinyaro ah

Image

GALHAREERI, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa Maanta Gacmaha ka jartay Labo Nin oo Dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ku eedeysay inay ka geysteen degmada Galhareeri ee Galgaduud.

Labada dhinyarada ah oo lagu kala magacaabo Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi, ayaa gacanta midig looga jaray Goob Fagaaro ah, oo ay isagu soo baxeen Boqolaal dadweyne, oo caruur iyo Haween u badan.

Faarax Bile Maxamed iyo Quuri Cusmaan Cabdi ayaa gacmaha looga jaray inay Goob ganacsi ka xadeen lacag qiimaheedu gaarayso $285 (Labo Boqol iyo Sideetan iyo Shan Doolarka Mareykanka).

Labada Dhalinyarada oo aad ugu dhiig-baxay Faraagaraha gacanta looga gooyay, ayaa markii dambe la dhigay iyagoo miir-beelay Isbitaalka Al shabaab ee degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan xukunada noocan ah ku fuliyo dadka ay ku eedeeyso Xatooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM