Al-Shabaab oo "ka dakhli uruurin badan" Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Iyaddoo adeegsaneysa cabsi-gelin iyo rabshado, maleyshiyada Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa uruur-sada dakhli ka badan midka u soo xarooda mas'uuliyiinta dalka, sidda lagu shaaciyey warbixin cusub.

Machadka Daraasaadka Amniga ayaa warbixin uu soo saarey wuxuu daaha kaga rogay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay bil walba u soo xarooto 15 milyan Doolar, dakhligaas oo kala bar uu kasoo galo magaalada Muqdisho.

Ganacsatada, dekadaha magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, dhismeyaasha iyo maalgelinta hantida ma guurtada ah "waa ilaha lacagtaas ka timaado".

"Ganacsatada qaarkood waxay lacag siiyaan jihaad-alooslaasha iyo dowladda caalamka aqoonsan yahay," ayaa lagu yiri qormo lagu daabacay BBC-da.

Hiraal ayaa soo jeediyey in qaabka kaliya ee loo joojin karo maaliyada ku dhaceysa gacanta Al-Shabaab ay tahay wanaajinta xaaladaha ammaanka, taas oo soo afjareysa in shirkadaha qaarkood iyo darafyada kale ay cabsi la noolaadan.

"Habka ay kooxda lacagta kaga hesho dadka ku nool miyiga waa si wuxushnimo ah. Cabsi gelin iyo hanjabaad dhab ah waa sababaha ku riixaya dadka in ay canshuurto Al-Shabaab," ayaa lagu yiri warbixintan uu arkay Garowe Online.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxay kashiftay maleyshiyada hubeysan ku lug-yeelato xalinta is-qabqabsiyada u dhaxeeya ganacsatada ayna hagto wax-soo-saarka beeraha sidda Liinta uguna yeero shacabka maxkamadahooda gaarka.

Dowladda Soomaaliya oo aan ka falcelin warbixintan cusub ayaa horey u qirtay in ay la socoto dhamaan arrimahaan, balse waxay ku fashilantay in ay la tacaasho.

Kooxda khuburada Qaramada Midoobay ee qaabilsan dabagalka arrimaha Soomaaliya ayaa warbixintooda 2020 waxay ku caddeeyeen in Al-Shabaab ay ku dhexmilatay nidaamka maaliyada dalka ayna hesho malaayiin Doolar ah.

Dhamaan arrimahaan ayaa sarre u qaadaya walaaca ku aadan in argagixisada ay xagaagan saameyn ku yeelato coddeynta loo balansan yahay 2020-21 maadaama ay dhaqaale uruursatay soona saari karto ugu yaraan Xildhibaan taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM