Al-Shabaab oo kordhisay weerarada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Kadib markii ay meesha ka baxday awoodii Ahlu Sunna horaantiisa sanadkan, Kooxda Al-Shabaab ayaa labbo-jibaartay weerarada magaaladda Dhuusamareeb, oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Saraakiisha amniga gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay jiro walaac soo wajahay dadka ku nool magaaladda, maadaama mudo ka badan saddex jeer ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadey tuulooyin ku dhaw caasimadda Galmudug, oo ay kula dagaalameen Ciidanka dowladda.

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degaan lagu magacaabo Miirdugul, oo ku dhaw Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka DF oo looga dilay askari magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali, iyadoo dhowr kale ay ku dhaawacmeen.

Ahlu Sunna ayaa mudo badan ka difaacaysay magaaladda Al-Shabaab, oo laga saarey ku dhawaad 10 sano kahor, waxaana hadda muuqata in markii amniga la wareegtay Galmudug ay ku dhiiratay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida inay weeraro soo qaado.

Ciidamo ka socda dowladda ayaa Galmudug ka taageera amniga, maadaama maamulkan uusan wali dhisan Ciidan tayo leh oo Al-Shabaab ka ilaalin kara magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ah kuwa ugu muhiimsan ee maamulka Qoor Qoor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM