Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Image

Hiiraan — Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii si rasmi ah u sheegatay inay dib ula wareegtay deegaanka Tardo oo kamid ahaa deegaanadii ay Ma’awisleydu qabsadeen bishii September 2022.

Dib u qabsashadan ayaa timid kadib markii Al-Shabaab todobaadkii hore ay si buuxda ula wareegtay deegaanka Moqokori, kaasoo ahaa mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada Tardo iyo Moqokori ayaa ah goobaha istiraatiijiga ah ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana labadooda deegaanka ay muhiim u yihiin dhinaca dhaqaalaha iyo xakameynta waddooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Wararka ka imanaya magaalada Mahaas ayaa sheegaya in halkaas si weyn loo dareemayo diyaar garow, iyadoo ciidamo cusub laga keenay gobolka Galguduud. Ciidamada soo xoojinaya ayaa lagu soo warramayaa inay ku wajahan yihiin deegaanka Tardo iyo nawaaxigeeda, si ay uga hortagaan is-ballaarinta Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka Hiiraan kama aysan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan qorshe dagaal oo looga jawaabayo weerarada cusub ee Al-Shabaab, taasoo dhalinaysa su’aalo ku saabsan sida ay u qorsheynayaan difaaca deegaanka iyo xoojinta ciidamada Ma’awisleyda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan inay ku xoojiyaan joogitaankooda gobolka Hiiraan, iyadoo mararka qaar ay ku guuleystaan inay si lama filaan ah uga adkaadaan ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka.

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa weli wajahaya xaalad adag oo amni iyo nololeed, iyadoo barakac iyo cabsi ka dhex jirto inta badan tuulooyinka iyo magaalooyinka ay dagaalladu saameeyeen.

Waxaa la sugayaa hadalka iyo qorshaha dowladda federaalka iyo maamulka Hiiraan ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa halista sii kordheysa ee Al-Shabaab, si loo soo celiyo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM