Al-Shabaab oo la sheegay in duqeyn "looga dilay" 200 dagaalame

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalka ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay 200 kamid ah maleyshiyada Al-Shabaab kadib duqeyn cirka ah oo milatariga Mareykanka kula beegsadey koonfurta waddanka.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed dowladdu soo saartey Axadii, howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Hareri Gubadle ee magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, waqoyna uga beegan Muqdisho.

Bayaankan ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa lagu caddeeyay in weerarka lagu qaadey wadashaqeyn dhexmartay ciidamadda xoogga Soomaaliyeed iyo milatariga Mareykanka.

Hase ahaatee, warka qoraalka ah ayaan lagu soo bandhigin tafaasiil ku saabsan sida howlgalka loo fuliyey iyo hadii xubnaha la khaarijiyey ay kamid yihiin horjoogeyaal ka tirsan kooxda hubeysan.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaan wali wax war ah kasoo saarin howlgalkan. AFRICOM waxay todobaadkii hore dib u bilowday howlgalada Soomaaliya kadib bilooyin uu hakad ku jiray.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamka taageero. Kooxda hubeysan waxay gacansaar dhow la leedahay maleyshiyadda Al-Qaacida ee ka dagaalanta qaar kamid ah dalalka Islaamka.

Duqeymaha milatariga Mareykanka ayaa loo arkaa mid si weyn uga qeyb-qaadan kara dedaaladda lagu ciribtirayo maleyshiyadda maadaama ay yihiin awood aysan u bac-bac dhigi karin kooxda argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM