Al-Shabaab oo laba ruux ku toogatay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla tuuladda Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay shalay gelinkii dambe laba ruux, oo ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen Maamulka HirShabeelle.

Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabaas Max'med Cismaan iyo Axmed Maxamed ayay Al-Shabaab kasoo qabatay degaanada Booco iyo Buurdheere, oo kawada tirsan gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa Askari katirsan HirShabelle, halka Cabaas lagu soo oogay dembi basaasnimo, isagoo la shaqeynayay Sirdoonka Maamulkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Al-Shabaab soo saartey.

Ma helin labadaan nin qareenno u dooday, waxaana kiiskooda go'aan ka gaartay Maxkamad ay Al-Shabaab leedahay, taasoo ah mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah ee xusuuqda aadanaha iyo maxaabiista.

Kooxda Al-Shabaab oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM, ayaa inta badan ka fulisa degaanada ay ku sugan tahay dilal toogasho ah, gowrac iyo jeedalayn ka dhan ah shaqsiyaad ay ku eedeyso basaasnimo, askar dowladeed inay yihiin iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM