Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay la wareegto goobaha ay ka baxayaan ciidamada Uganda

Image

MUQDISHO – Go’aanka Uganda ay ciidamadeeda uga baxayso Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac cusub oo ku saabsan mustaqbalka amniga dalka, iyadoo ay isa soo tarayaan su’aalaha la xiriira awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya ee ay kula wareegi karaan saldhigyada ay ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika.

Wargeyska The EastAfrican ayaa warbixin uu daabacay Axadda ku sheegay in ka bixitaanka Uganda, oo Soomaaliya ka taageeraysay dhinaca milateriga tan iyo 2007, uu imaanayo xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa 30-kii Oktoobar ku dhawaaqay in ciidamada Uganda ay bilaabeen ka bixitaanka Soomaaliya. Kampala ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa ku jira howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ay dalka ka bixi doonaan dhammaadka 2027.

Go'aankan ayaa yimid maalmo kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tegay Uganda, halkaas oo uu 26-kii Oktoobar kula kulmay dhiggiisa Yoweri Museveni, isaga oo la sheegay inuu doonayay in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in magaalada xeebta ku taalla ee Baraawe, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ay durba ka muuqdaan saameynta ka bixitaanka ciidamada Uganda. Ciidamadaasi ayaa isku diyaarinaya inay ciidamada xoogga dalka ku wareejiyaan saldhig weyn iyo dhowr fariisin oo kale.

Afhayeenka cutubka ciidamada Uganda, Kabtan Edrin Mawanda, ayaa wargeyska u sheegay in diyaar garowga wareejinta saldhigyada uu socdo.

Si kastaba, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in ka bixitaanka ciidamada Uganda uu fursad cusub siin karo Al-Shabaab oo muddo dheer khatar ku haysay amniga magaalada iyo deegaannada ku dhow.

Ganacsade ku sugan Baraawe oo la hadlay AFP 3-dii November ayaa sheegay in laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay fuliso weerarro waaweyn marka ciidamada Uganda ay baxaan.

Baraawe ayaa Al-Shabaab laga saaray bishii Oktoobar 2014, balse kooxda ayaa marar kala duwan weerarro ka fulisay magaalada iyo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Caqabadda haysata ciidamada Soomaaliya

Warbixintu waxay tilmaantay in inkasta oo ciidamada xoogga dalka ay sameeyeen horumar dhinaca tirada iyo dhismaha awooddooda ah, haddana ay adag tahay inay si degdeg ah ula wareegaan dhammaan goobaha ay hayaan ciidamada shisheeye.

Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay inay leeyihiin 10,000 ilaa 12,000 oo askari oo ku jira barnaamijka dhismaha iyo tayeynta ciidamada, tiradaas oo ku dhow awoodda guud ee howlgalka Midowga Afrika.

Hase yeeshee, falanqeeyayaasha amniga ayaa qaba in tirada askartu aysan keliya muujin karin awoodda dhabta ah ee ciidan, maadaama ay muhiim yihiin qalabka, tababarka, sahayda, gaadiidka iyo awoodda ay ciidamadu ugu sii adkeysan karaan goobaha ay qabsadaan.

Omar Mahmood oo ka tirsan hay'adda International Crisis Group ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay isku dayayaan inay awooddooda dhisaan xilli ay weli dagaal kula jiraan Al-Shabaab, taasoo ka dhigaysa in masuuliyado dheeraad ah oo degdeg ah ay culeys ku noqon karaan.

Dhanka kale, Samira Gaid, oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, ayaa ka digtay in xoogga la saaro tirada ciidamada oo keliya, iyadoo ay muhiim tahay in la qiimeeyo tayada iyo awoodda ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika marka la barbar dhigo kuwa Soomaaliya.

Maalgelinta howlgalka oo mugdi ku jiro

Ka bixitaanka Uganda ayaa kusoo beegmaya iyadoo howlgalka AUSSOM uu wajahayo hubanti la'aan dhanka dhaqaalaha iyo taageerada saadka ah.

Mareykanka ayaa 1-dii Luulyo ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo mas'uul ka ah adeegyada saadka ee ciidamada Midowga Afrika, laga bilaabo Janaayo 2027.

UNSOS ayaa ciidamada siiya shidaalka, cuntada, biyaha, adeegyada caafimaadka, gaadiidka iyo taageerada kale ee lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Warbixintu waxay sheegtay in Washington ay markii dambe oggolaatay qorshe 12 bilood ah oo lagu dhimayo taageeradaas, kaas oo bilaabanaya Janaayo 2027.

Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in Itoobiya ay mustaqbalka dhinto joogitaankeeda milateri ee Soomaaliya, taasoo sii kordhin karta caqabadaha amni, inkastoo aan la xaqiijin in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen ka bixitaan.

Khilaafka siyaasadeed oo sii adkeynaya xaaladda

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay sii adkeyn karto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ay khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa halis gelin kara wada shaqeynta looga baahan yahay in si habsami leh loogu wareejiyo masuuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin khilaafaadka jira, ay suuragal tahay in kooxaha siyaasadeed ee ka soo horjeeda dowladda federaalka ay saameyntooda ku ballaariyaan deegaannada ka baxsan Muqdisho, taasoo sii murjin karta xaaladda amni.

Uganda ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, waxayna muddo ku dhow labaatan sano door weyn ku lahayd sugidda amniga Muqdisho iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ka bixitaankeeda ayaa Soomaaliya gelinaya marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda federaalka laga sugayo inay muujiso in ciidamada qaranku awood u leeyihiin inay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka, iyagoo aan lumin dhulalkii laga saaray Al-Shabaab.

Warbixinta The EastAfrican ayaa gunaanadkeeda ku sheegtay in su'aasha ugu weyn aysan hadda ahayn oo keliya goorta ciidamada shisheeye baxayaan, balse ay tahay in Soomaaliya diyaar u tahay inay amnigeeda keligeed sugto iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baashe Yuusuf oo sheegay in Xasan Sheekh uu khatar geliyey amnigiisa

Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha Baashe Yuusuf ee ku saabsan khatarta amni ee uu sheegay inuu wajahayo.

  • Soomaliya

    08-11-2026

  • 09:40AM

Iska horimaad ka dhacay agagaarka Leego kaddib markii ciidamo dowladeed jidgal loo dhigay

Iska horimaadka ka dhacay agagaarka Leego ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aan la shaacin xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo howlgalka Banooda.

  • Soomaliya

    08-11-2026

  • 06:14AM