Al-Shabaab oo lagu waramay in ay faarujisay degmo muhiim ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay ka baxeen degmada muhiimka ah ee Ceelbuur oo dhacda bariga gobolka Galgaduud ee maamul goboleedka Galmudug.

Dadka degaanka oo ka gaabsaday in magacyadooda iyo codkooda loo adeegsaday qalabka warbaahinta ayaa waxay xaqiijiyeen faarujinta maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee magaaladaas.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaan. Hase ahaatee, saraakiil dhanka amniga ah waxay ku qeexeen in xoogaga hubeysan ay ka war-heleen in ay halkaas kusii jeedaan ciidamadda.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Ceelbuur iyo degaanada kale ee tobanaanka sano ay maamusho "argagixisadda".

Bishii April, 3-deeda sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Al-Shabaab ay qabsatay Ceelbuur markii ay ka hayaameen ciidamadii waqtigaas joogay oo ay kamid ahaayeen Itoobiyaan caawinayey kuwa Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa dhowaan sheegay in ay diyaariyeen ciidamo "dib u xoreeya degaanada ay cadowga haystaan". Balse, ma muddeyn goorta ay qaadayaan howlgalkaas culus.

Xaqiijinta ammaanka, kobac dhaqaale, horumar iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada oo Al-Shabaab safka hore kaga jirto ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala maamulka Axmed Qoor-qoor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM