Al-Shabaab oo mar kale "laga burburiyey maxkamad beenaad"

Image
Milatariga Soomaaliya ayaa sarre u qaadey howlgalada ay ku beegsanayaan garsoorka argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda, maleyshiyadda ayaa aaggaas waxay ku lahayd Maxkamad Beenaad ay ugu yaaraan shacabka "si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan".

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in ciidanka ay "bubruriyeen fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale".

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Wakaalada wararka oo soo xigatay sarkaalkan aan la shaacin magaciisa ayaa wuxuu intaas ku daray: "Goobtaas waxay argagixisada ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan".

"Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen," ayay raacisay SONNA.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida kuwaasoo aan looga baran beenin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM