​Al Shabaab oo mas'uul kale ku dishay Buurhakaba

Image

BUURHAKABO, Somalia- Al Shabaab ayaa sheegay inay Labo Qarax ay ka fuliyeen degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay kuwaasi oo ay sheegeen inay ku dileen Mas'uul katirsan maamulka Degmadaasi iyo dhowr Askari.

Qaraxyada ayaa waxay ahaayeen Miinooyin lagu aasay Saldhiga Booliska degmada Buurhakabo iyo Goob ay ku kulmayeen Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Weerarka hore oo dhacay Shalay Gelinkii danbe, ayaa Al shabaab waxay sheegtay inay ku dileen Kusimihii Gudoomiyaha Degmada Buurhakabo iyo Labo Askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Qaraxa 2-aad wuxuu Saakay oo Isniin ah ka dhacay xarunta Booliska Degmada, kaasi oo ahaa mid loo adeegssday Miino lagu aasy gudaha Saldhigga, waxaana Mas'uuliyada weerarka sheegatay Al Shabaab.

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan Qaraxyada Al shabaab sheegeen inay ka geesteen Degmada Buurhakabo.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakabo Maxa'ed Cabdi Maxa'ed, ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday Isbitaal AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdishu, kadib dhaawac kasoo gaaray qarax mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM