Al-Shabaab oo qaadacdey talaalka Astra Zeneca ee Covid19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa waxay qaadacdey talaalka safmareenka halista ah ee Covid19 gaar ahaan nooca Astra Zeneca, sidda ay ku baahisay saxaafada dhanka internet-ka ama online-ka ee faafiya wararka ururka.

Xoogaga hubeysan oo war-saxaafadeed gaar ah kasoo saarey qadiyaddan ayaa rumeysan in talaalka ay "waxyeeladdiisu ka badan tahay faa'iidooyinka laga sheekayo".

Halkii ay ahayd in ay soo saaraan dhakhaatiir ama saynisyahano, bayaanka dagaalameyaasha ee talaalka wuxuu kasoo baxay Xafiiska Siyaasadda iyo wax ay ugu yeerto Wilaayaatka oo ah goboladda.

Marka laga reebo in ay cuskatay diidmo kooban oo dalal Yurub ah ay ku sameeyeen, Al-Shabaab ayaanan soo bandhigin caddeymo ku saabsan sheegashooyinkeeda in talaalka Astra Zeneca uusan ahayn mid waxtar u leh dadweynaha.

Illaa haatan, mas'uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaan wali soo warin waxyeelo dadweynaha kasoo gaartey talaalka. Tanina waa xaqiiq mudan in hoosta laga xariiqo.

Maalmihii ugu horeeyay ee uu dilaacay Covid19, Al-Shabaab ayaa hoos-u-dhigtay khatarta fayruska.

Balse, sidda la sheegay, markii xubno ka tirsan kooxda uu haleelay, tirro badana u geeriyoodeen, waxay ku baraarugtay halista iyaddoo kasoo saartey go'aano culus.

Qeybtii ugu horeysay ee talaalka Covid19 ayaa Soomaaliya la keenay 15-kii bishaan Maarso. Sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, shixnadaas waxaa loogu talagalay 20% dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxay bilowdey qeybinta talaalka iyo in gobolada gaarsiiso. Balse, go'aanka AlShabaab waa "caqabad horleh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM