Al-Shabaab oo toogatay nin lala xiriiriyey sirdoonka Mareykanka

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku toogtay nin lala xiriiriyey sirdoonka Mareykanka, sidda ay ku warantay warbaahinta kooxdaas.

Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu "qandaraas kusoo qaatay gudbinta xogta saraakiisha xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee ku sugan gobolkaas".

Sidda laga soo xigtay warbixinta ay baahiyeen war-fidiyeenka xoogaga hubeysan, Cumar ayaa "qirtay in sarkaal ka tirsan mukhaabaraadka Soomaaliya uu ku xiray saraakiisha CIA-da ee ku sugan xerada weyn ee Xalane".

"Waxaa loo balanqaadey in lasii doono kumanaan kun oo Doolar hadii uu ku guuleysto shaqadaas," ayay raacisay warbaahinta jihaad-aloosyaasha.

Hase ahaatee, ma aysan soo bandhigin muuqaalka Yaasiin iyo caddeymo kale oo xoojinaya sheegashadooda sidda cod ay kasoo duubeen.

Bishii lasoo dhaafay ee April 28-keeda ayay ahayd markii ay kooxdan xagjirka ah ku toogatay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud saddex qof oo ay ku eedeysay in ay "jaajuus u ahaa sirdoonka Mareykanka".

Raggaas ayaa magacyadooda lagu sheegay; Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow, 23–jir, Bashiir Maxamuud dhagool, 22-jir, iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo da'diisa lagu tilmaamay in ay ahayd 50-sano jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM