Al Shabaab oo wareegtay deegaan ku dhaw Baraawe

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay deegaan ku dhaw magaalada Dekeda leh ee Baraawe, oo ku taalla gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalyahano hubaysan, oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Rasaadaay, oo 10Km dhanka waqooyi bari uga beegan Baraawe, saacado kadib markii ay ciidamada AMISOM isaga soo baxeen.

Ma cadda sababta ciidanka Uganda ka socda, ee qeybta ka ah AMISOM ay u soo faarujiyeen deegaankan, oo muhiim u ahaa difaaca degmada Baraawe, oo Oct, sanadkii 2014 laga saarey Al Shabaab.

Bishan horaanteedii, AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa dib uga soo baxay deegaanka Bariire, oo 60Km Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, iyadoo isla markiiba la wareegtay Al Shabaab.

Wali AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin ka bixitaanka ciidamada kasoo baxeen deegaanka ku dhaw Baraawe, balse tani ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe military oo Al Shabaab looga saarayo dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM