​Al Shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Image

GARISSA, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fuliyay deegaan hoos yimaada degmada Gaarisa ee Waqooyi  Bari dalka Kenya, kuna dhaw xadka Soomaaliya.

Illo-wareedyo ku sugan Gaarisa, ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Haluqa, waxaana Al Shabaab ay bartilmaameedsadeen xarunta Shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

Al Shabaab ayaa kasoo afduubey Haluqa qaar katirsan shaqaalaha Shirkaddaas qaabilsa Is-gaarsiinta.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Dagaalyahanada Kooxda Shabaab, weerarka Haluqa kadib kusoo laabteen gudaha waddanka Somalia, oo la rumaysan yahay inay markii hore ka duulaan tageen.

Al Shabaaba ayaa tilmaamtay inay mudo kooban gacanta ku hayeen Haluq, islamarkaana ay meel fagaaro ah kula hadleen qaar katirsan Shacabka kuu dhaqan deegaankaas.

Ciidamo katirsan Militariga Kenya oo saldhig ku leh meel aan ka fogeyn deegaankaas, ayaan, wax jawaab ah ka bixin weerarka Al Shabaa.

Dhacdadan kama aysan hadlin maamulka Gaarisa iyo dowladda Kenya.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro sidan oo kale ku gaysata gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, wixii ka dambeeyay markii ciidamada KDF soo galeen gudaha Soomaaliya bartamahihii sanadkii 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM