​Al Shabaab oo weeraro ka fulisay Shabeellaha hoose

Image

BARRIIRE, Somalia- Dagaal iyo Duqeyn ayaa ka dhacay deegaan kala duwan oo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii Al shabaab ay weerareen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Somalia.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey deegaanka Ballid-doogle, oo ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ah oo halkaasi ku tababara askarta dowladda Somalia.

Sidoo kale, dagaalka Culus oo u dhaxeeya Malleeshiyada Al shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa sidoo kale waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Bariire iyo Lambar -Konton, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarada Al shabaab kuu qaadeen saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah gobolada ay ugu xasiloonida xun gobolada dalka, waxaana gobolkaasi saamayn xoogan ku yeeshay dagaallo beeleed iyo weeraro Al shabaab ku qaadaan degmooyin iyo deegaanada ay maamusho dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM