Al-Shabaab oo weerartay saldhigyo ay leeyihiin ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa lagu waramay in habeenimadii Isniinta todobaadkan ay weerareen saldhigyo ciidamadda Kenya ku leeyihiin degaanadda maamul goboleedka Jubaland.

Sidda ay sheegayaan illo milatari, xerooyinka la beegsaday ayaa ku kala yaala tuulooyinka Qooqani iyo Cabdalla-Biroole ee gobolka Jubada Hoose.

"Duulaanka ay soo qaadeen kooxda argagixisadda ah waxaa ka dhashay iska hor-imaad saacado socday. Balse kuuma sheegi karo khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac," ayuu yiri sarkaal u waramay Garowe Online.

Sanadkan gudahiisa, waa markii saddexaad oo maleyshiyada Al-Shabaab isku daydo in ay gudaha ugu daadato saldhigyaddan ay leeyihiin ciidamadda Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay dhanka taliska ciidanka Kenya ee qeybta ka ah taliska AMISOM iyo waliba Al-Shabaab.

Ciidamadda Kenya ee kamid ah AMISOM kuna sugan Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 3,500 kuwaasoo badankooda ka howlgala degaanadda Jubaland oo waddankooda xad la leh.

Inkasta oo ay luminayaan fariismo kala duwan kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid ciidamadda qaranka, xoogaga xiriirka la leh shabakadda argagixisadda Al-Qaacida aalaaba beegsada fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa ajnabiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM