Dalka lagu sameeyay madfac ay Al-Shabaab ku weerartay xarunta UN-ka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixinta Gudiga Khubaradda ee Gollaha Amaanka uu soo saarey 28-kii September ayaa lagu sheegay inay Al-Shabaab adeegsatay hoobiye lagu farsameeyay dalka Kuuriyadda Waqooyi.

Weerarkaas ayaa waxay Kooxda ku qaadey xarunta UN-ka ku leeyahay magaaladda Muqdisho, oo ku dhex-taalla Xalane, halkaasoo ay degan yihiin Safaradaha reer galbeedka, oo mida Mareykanka ku jirto.

Gudiga ayaa soo bandhigay sawirka gantaalka oo aan qarxin, oo ay dushiisa ku qoran tahay a 60-mm HE type 63, taasoo muujinaysa inuu yahay mid lagu sameeyay wadanka Kuuriyadda Waqooyi.

Waxaa la helay labo hoobiye oo kamid ahaa lix xabo oo lagu tuurey xarunta Xalane 17-kii Febuary ee 2020, kuwaasoo baaritaan lagu sameeyay kadib la ogaadey in Al-Shabaab ay heshay hubka uga yimid Kuuriyadda Waqooyi.

Warbixinta gudiga waxaa lagu shaaciyay in Kuuriyadda Waqooyi ay kamid tahay meelaha ay Al-Shabaab kasoo iibsatao hubka ay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Mareykanka ayaa June 2020 sheegay in Kuuriyadda Waqooyi ay si toos ah hubka uga iibiso kooxaha argagaxisadda caalamka, waxuuna ku baaqey in la adkeeyo cunaqabateynta saaran dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM