Al-Shabaab oo Xildhibaan ku dishay Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey Gaari HOMY ah, oo ay la socdeen dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka HirShabeelle xili uu marayay inta u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dabley hubeysan oo wajiga soo duubtay ayaa markii ay joojiyeen Gaariga rakaabka kala degay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad, waxayna ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Yaaqle, halkaasi oo ay ku toogteen mudanaha.

Xildhibaanka dilkiisa waxaa xaqiijisay Canab Ciise Axmed, oo ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle, iyadoo sheegtay in jidka isku xira Balcad iyo Jowhar noqday mid lagu ugaarsado mas’uuliyiinta maamulkeeda.

Al-Shabaab ayaa horey qaraxyo iyo weeraro ugu dishay Xildhibaanno iyo saraakiil katirsan maamulka HirShabeelle oo jidka u gashay xiliga ay ku safrayeen wadada manta uu dilka ka dhacay ee duleedka Balcad.

Amni la’aanta iyo weerarada joogtada ayaa ku khasbay mas’uuliyiinta HirShabeelle inay safar diyaaradeed isticmaalaan, iyadoo kuwa kalena isku dhexqariya gaadiidka dadweynaha, oo mararka qaarAl-Shabaab kala degto, kadibna ay disho sidii manta dhacday oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM