NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay yeelatay hogaamiye ku meelgaar ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA ayaa shaacisay in isbedel dhanka hogaanka ah uu ku yimid dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu xusay in Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, madaxii kooxda, uu awoodiisa lagu wareejiyey Abuukar Aadan oo ahaa ku xigeenkiisa "sababo caafimaad darteed".

War-saxaafadeedkan kooban oo aan lagu soo bandhigin caddeymo ayaa lagu xusay in khilaafka u dhaxeeya labada garab ee kooxda u kala jabtay uu wali taagan yahay.

Is-mari-waagaas salka ku haya maamulka maaliyada iyo awood-qeybsiga ayaa kala geeyay Abuu Cubeyda iyo Mahad Karate, kamid ahaa ku xigeenadiisa ahaana madaxii Amniyaata ama mukhaabaraadka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka hay'addan uu hogaamiyo Fahad Yaasiin Daahir, waxaa jira loolan u dhaxeeya Abuu Cubeyda iyo Karatee kaasoo salka ku haya magacaabida horjoogaha cusub.

"Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey Abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub," ayay tiri NISA.

Marka laga soo tago sheegashada NISA, ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

NISA ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka warameysay xogaha Al-Shabaab dhexdeeda ah, arrintaas oo ay kala kulantay dhaleeceyn laguna booriyey in ay ka hortagto weeraradda ay kooxda ka fulineyso dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM