Al-Shabaab waday falal liddi ku ah amniga oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa maanta soo bandhigay saddex rag kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay falal liddi ku ah amniga ay Kismaayo uga fuliyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Qoraal lagu faafiyey barta Facebook ee NISA-Jubaland ayaa lagu shaaciyey in shaqsiyaadkan ay qirteen dambiyadda lagu soo oogay.

"Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo ka tirsan maleeshiyada Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday Kismaayo," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Raggan oo fuliyay falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada iyaga oo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka ayaa qirtay Hawl-galladii ay ka fuliyeen magaalada".

"Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo," ayay ku dareen.

Qabashada xubnahaan ayaa kusoo hagaageysa xilli xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaadey fariisin ciidan oo ku taala Kismaayo.

Bishii hore ayay ahayd markii Shaafi Raab Kaahin, gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland ahaana xoghayaha Rugta Ganacsatada Soomaaliya ay Al-Shabaab ku dishay is-miidaamin uu fuliyey naftii-halige aan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM