Al-Shabaab waday falal liddi ku ah amniga oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa maanta soo bandhigay saddex rag kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay falal liddi ku ah amniga ay Kismaayo uga fuliyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Qoraal lagu faafiyey barta Facebook ee NISA-Jubaland ayaa lagu shaaciyey in shaqsiyaadkan ay qirteen dambiyadda lagu soo oogay.

"Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo ka tirsan maleeshiyada Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday Kismaayo," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Raggan oo fuliyay falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada iyaga oo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka ayaa qirtay Hawl-galladii ay ka fuliyeen magaalada".

"Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo," ayay ku dareen.

Qabashada xubnahaan ayaa kusoo hagaageysa xilli xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaadey fariisin ciidan oo ku taala Kismaayo.

Bishii hore ayay ahayd markii Shaafi Raab Kaahin, gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland ahaana xoghayaha Rugta Ganacsatada Soomaaliya ay Al-Shabaab ku dishay is-miidaamin uu fuliyey naftii-halige aan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM