Algeria oo sii wada ku digashada Soomaaliya xilli DF ka aamusan tahay

Image

ALGIERS, Algeria – Ciidamadda difaaca Aljeeriya ayaa Khamiistii waxay si furan kaga digeen hadii qabaa'ilka Liibiya la hubeeyo inta uu waddankaas wajahayo colaadaha hubeysan uu isku bedeli doono "Soomaaliya cusub".

Xilli madax ka tirsan dalkaas ay aragtidaan horey uga dhawaajiyeen, tani ayaa la macno ah in Dowladda Algeria ay sii wada ku digashada [jees-jeesida] xaalada Soomaaliya, oo ah dal kasoo kabanaya qalalaase.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin hadaladan gefka ah ee ka imaanaya Algeria iyo dowladdo kale.

Wargeyska ku hadla afka ciidamadda Algeria oo shalay soo saareen nuqulkiisa uu ugu talogalay bisha August ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in beelaha Liibiya laga gofeeyo hubka si nabad loo helo.

"Xaalada cusub ee maanta ka jirta dhulka Libya waxay ka halis badan tahay inta uu qof walba qiyaasi karay, waxaana dagaal-wakiileedka ay qorsheeyeen dhinacyadda qaarkood isla markaana ay fulinayaan uu Libya u horseedayaa cawaaqib-xumo saameysa gobolka," ayuu daabacay.

Joornaalka ayaa soo xigtay digniin uu madaxweynaha Algeria, Abdelmajid Tebboune, bixiyey taasoo in Libya ay noqon karto "Soomaalida cusub", isagoo cuskanaya dagaalka sokeeye ee qarxay sanadkii 1991.

Jaraa'idka ayaa carabka ku adkeeyay in dhinacyadda isku haya Libya looga baahan yahay in ay gaaraan xal siyaasadeed oo wadahadal ku yimid.

Bartamihii July, madaxweynaha Masar, Cabdel Faraax Al Siisi ayaa la kulmay qayb kamida beelaha Libya oo lagu waramay in ay codsadeen faragelin ay Masar sameyso "si ay u badbaadiso madax-banaanida Libya".

Al Siisi ayaa u sheegay qabqablayaashaas in Masar "aysan dhinac gaar ah la safan doonin" marka ay timaado qabsashadda magaalada Sirte oo dhacda waqoyga Libya, halkaas oo uu kolkii hore ku qeexay "qad cas".

Masar ayaa kamid ah dowlado badan oo taageera Jeneraalka Khaliifa Xaftaar, kaasoo ay kasoo horjeedaan wadamo uu hormuud u yahay Turkiga kuwaasoo garab istaag u muujiyey dowladda caalamka aqoonsan yahay.

Turkiga ayaa todobaadkan wuxuu dhinac isaga leexiyey eedeynta sheegeysa in uu ciidamo Soomaali ah oo uu kaxeeyay Muqdisho u diray Libya, hadal-heyntaas oo ay sidoo kale ganafka ku dhufatay xukuumadda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM